| Muxaadaro | Duruus | Quraan | Tafsiir | Culuumul Quran | Maqaalo | Nalla Soo Xiriir
Menu Main
 Home
    Muxaadaro
    Duruus
    Quraan
    Tafsiir
    Culuumul Quran
    Maqaalo
    Nalla Soo Xiriir

Newest Members
fodcade
ahmed yare
ahmed mhamud
muna114
mataanalay
nasteexo
ALIBAZI
cismaan_9
Mohamed Ahmed
hudo11

Who's online
  Total Visits: 79291
 Online Visitors: 6



Mareegto

Su-aalo iyo Jawaabo Diini ah Qeeybtii 5-aad

 

Rasuulka SCW Wuxuu lahaa Shaabad ama Stanbo Taasoo markuu

Doonayo in uu Warqad udiro.....
71) - Rasuulka SCW Wuxuu lahaa Shaabad ama Stanbo taasoo markuu
Doonayo in uu Warqad udiro Boqadagii   sida Boqorkii Najaash oo kale  wuxuu warqada  ayuu ku dhufani jiray Shaabad, Ee waxaad sheegtaa  Stambadaa wixii  ku qornaa iyo sida ay u qornaayeen??
J) - Waxaa ku qornaa Muxammadu Rasuul-allaah (Rasuulullaah),  wayna is korsaarneyd oo waxay u qorneyd sidan:- waxaa u koreeyay Allah waxaa xigay Rasuul waxaana ugu dambeeyay Muxammed.
 
 
72)  Boqorkii Muqowqas wuxuu u soodiray  Rasuulka SCW  2  Haween (Gabdhood) Hadiyo ah. Nabiga SCW mid kamid ah wuu guursaday oo Waa Maariya, ee  waxaad sheegtaa Saxaabiga lasiiyay  Gabdhii kale??
J) Waxaa la siiyay saxaabigii Xassaan bnu thaabit.
 
 
73)  Waxaad sheegtaan Haweeneeydii ama gabadhii u horeeysay oo rumeeyso RASUULKA SCW??
J)- Waa Khadiijo bintu khuweylad.
 
74)  Waxaa sheegtaan (3) Sadax Suuradood oo xarafka  KAAF  aan kujirin???
J)-  Waa suuratul-alcasr
           '   suurad qureysh   
              '   suuratul-alfalaq
 
75)  Waxaad sheegtaan  Suuratul-AlKahfi  Imsaa Qiso ayaa ku soo ayoortay???  !!!! waa Qiso dhameeystiran lasocodo.
J)- Waa afar (4) qiso waxeyna kala yihiin:-
   1)- Qisadii asxaabul-alkahf
   2)- Qisadii 2da nin ee muslim & mushrik kala ahaa, Oo kan mushrika ahaa wuxuu ugufaanay bertiisa kii kale.
   3)- Qisadii Nebi Muuse (CS) iyo Qadir.
   4)- Qisadii dul qarneyn.
 

 
 

76) Waxaan ogsoonahay in Salaada loo soo dhiibay Nabiga SCW Markii la dheelmiyay uuna Gaaray Sidratul Muntaha,  Ee Xageebuu joogay NBIGA SCW   Magaaladee?  Goortay soo dageen Axkaanta inteeda kale ?? 
77)- Axkaamta inteeda kale waxay soo degeen intii uu Nebigu (NNKH) uu joogay magaaladda Madiina.
 
 
78)   Waxaad sheegtaan  3  Waqti (ama maalmo ah,)  oo Lareebay   in  lasoomo???
 
 J) 1-maalinta ciidul-atxaa
      2-maalinta ciidul fidr ah.
     3-maalmaha   Sabtiga iyo Jimcada,  Hadii  aaynan  taxana aheen?
 
 
79)   Waxaad sheegtaan 8 kamid ah waxyaalaha buriyo  Soonka ???
J)- Waxaa kamid ah:-
J3.1)- Cunitaanka. (J3.2)- Cabitaanka. (J3.3)- Jamaaca. (J3.4)- Ridoobid. (J3.5)- Xaydhka. (J3.6)- Nifaaska. (J3.7)- Kas leysku matajiyo. (J3.8)- Waalida.   iyo Cirbid la-isku mudo taa soo siisa nafaqo jirkaada.
 
 
80)   Waxaad sheegtaan Magaalada MAKKA inta Magac oo loo yaqaano??
J)- Waxaa loo yaqaanaa:- Makkah, Bedul-alamiin, Umul al-quraa, Bakkah, Bedul-alxaraam.   iyo Balad.
 
 
81)    Qofkii Hurdo kasoo toosa aroortii   isagoo  Janaabo  Qabo  Ma Soomikaraa? oo Soonkiisii  masii wadani karaa???
J)- Haa  Qofkaasi waa sii wadan karaa soonkiisa.
 
 
 
82)   Waxaad sheegtaan   Malakul-Aljibriil Bisheebuu u imaani jiray NABIGA SCW oo uu qur-aanka u meerini jira  isagoo ladhameeynaayo  Qu-aanka oo dhan ????   
                                     
J) Bisha soonka ah
 
 
83)   Abuu_Bakar Al-Sidiiq  goormay   loobixiyay  Naaneeystaas ama Kunyadaas   ah  al-Sidiiq??  Yaana  u bixiyay???
   J)   Makii  loo sheegay Nabiga scw in la dheelmiyay  kadibna uu  yiraahday waa runtiis. NABIGA SCW ayaa u bixiyay.
 
84)   Afarta  Imaamul madhab,   Mid kamid ah  ayaa isagoo yar oo Cilma Barasho kujira  ayuu wuxuu ku qaldami jiray Mas-alo Fiqi ah , wuxuu maqli jiray in ay janaabadu Qusli waa jibiso, Kadib  Markastoo Calooshiisa Qululuc tiraahdaba  wuu qabeeysani jiray.      Ee  kee buu ahaa ????
    J) Wuxuu ahaa Imaamu Al-Nabawi
 
 
85)   Waxaad   sheegtaan  Soonka Sunaha ah keebaa  ugu  ajirbadan  ?
       J)Waa Soonka Maalinta Yoomul Carafa.
 
 
 
86) Imsaa kujirta Qu-aanka     YAA AYUHANAASU  ?? 
      J) Waa  20 ,
    Albaqara- 2, 168             Al-Nisa- 1, 170, 174      Acraaf-158
    Yuunis- 23, 57, 104, 108   Al-xaj-1, 5, 49, 73       L-Namli-16
     Luqmaan- 33                Faadir- 3, 5, 15,             Al-xujuraat-  13 
 
 
87)  NABIGA SCW,    2   Goor ayuu kuyiraahday  Abuu-Bakar Al-Sidiiq    (( LAA TAXZAN ))   Ee waxaad sheegtaan  labadaas dhacdo  goortii ay dhaceen????
J)   Waa markii ay galeen godka ooy Kufaaru Qureesh ay soo dul istaageen  oo uu yiraahday Abuu Bakar Yaa rasuulalaah hadii ay fiiriyaan  Lugahooda hoostooda way na arkayaan  markaasuu yiraahday NABIGA SCW   LAATAXZAN INALAAHA MACANAA
                 2, waa markii uu kadabatagay Suraaqa Binu  Maalik  isagoo doonaya in uu soo qabto NABIGA SCW iyo Saaxibkiis Abuu Bakar Markii uu ku  soo dhawaaday oo uu maqlay Suraaqa akhriska uu akhrinaayo NABIGA SCW ayuu Abuu Bakar ku yiri Yaa rasuulalaah waa uu nasoogaaray,  markaasuu ku yiri (Laataxzan Inalaaha Macanaa)
 
 
88)  Qur-aanka Imsaa Suuradood ayaa ka bilaabato (Alxamdulilaah)   ?? 
   J) waa 5    faatixa/Ancaam/Kaahf/Faadhir/Saba.
 
  
89)  Beecatul Caqabati-uulaa Balanatii  Labaad,  Makii ay lagaleen NABIGA SCW  Reer madiina Ansaar.  Keebuu ahaa  Ninkii laga qabsaday  iyagoo u sii socdo Magaaladoodii madiina???  Waxaana  ka qabsaday Kufaaru Qureesh oo kadaba tagtay.
  J) wuxuu ahaa Sacad Ibnu Cubaada.   
 
90)    Su-aal kusaabsan Soonka Qofkii sameeyo Galmo Maalin Soon Ah waxaa laga  Rabaa Kafaaragu ee waxaad sheegtaa Kafaaragudka laga
rabo ????
 J) Wuu danbaabay  Qfkaas oo waxaa laga doonayaa in uu Kafaaragud sameeyo, waa sidan kafaaragudka   
 1, Adoon lahureeyo.
 2, Laba bilood oo xiriir ah in uu soomo. 
 3, In uu quudiyo 60 Miskiin .   Wabilaaxi Toowfiiq
Qore:  A/Maalik Osman Adan

Newslatter
Ku Biir Newslatter-ka!