| Muxaadaro | Duruus | Quraan | Tafsiir | Culuumul Quran | Maqaalo | Nalla Soo Xiriir
Menu Main
 Home
    Muxaadaro
    Duruus
    Quraan
    Tafsiir
    Culuumul Quran
    Maqaalo
    Nalla Soo Xiriir

Newest Members
sumaya
fodcade
ahmed yare
ahmed mhamud
muna114
mataanalay
nasteexo
ALIBAZI
cismaan_9
Mohamed Ahmed

Who's online
  Total Visits: 79292
 Online Visitors: 8




Mareegto

Su_aalo iyo Jawaabo Diini ah Qeeybtii 3_aad

 

Qeeybtii    3_aad

 

51)   Munaafiqii weeynaa Kacab Ibnu Ashraf       Labadii lasoo balantay, Balantaas oo la doonaayay in lagu dilo.   NBIGA SCW  ayaana ka dalbaday in lasoodilo. inta loodiray way badnaayeen ee Labada lasoogashay mucaahado ama balanta sheeg magacyadooda?.
 
Jawaab: Raggii uu Nabigu (SCW) u diray inay Kacab ibnu Ashraf soo dilaan waxa kamid ahaa oo si gaar ah ugu tegay: Maxamed ibnu Maslama iyo Abuu-Naa'ila (Silkaan ibnu Salaama).

 
52)  Waxaad sheegtaan   Rumaaniyiinta Ninkii ay dileen oo Risaalada loogu dhiibay magaciisa?.  Taasoo kaliftay in lagu duulo??                 Digaalkii MU'TA. 
 
JAwaab:  Xaarith ibnu Cumayr Al-Azdi oo waqrwad u siday Qaysarkii Roomaanka waxa intuu xirxiray qoorta ka gooyay nin la oran jiray Shuraxbiil ibnu Camr Al-Ghassaani oo Qaysarka wakiil uga ahaa meesha la yiraa Balqaa oo Shaam ka tirsan.

 
53)    Safwaan ibnu Umayi  oo kawareejiyay farakii Qureesh  dhinaca Riyaadh  ayna rabeen in ay kagalaan Safarkoodu  dhinacaas Shaam, Waxaa sheegtaan Saxaabigii hogaaminaayay Cidankii Muslimiinta???    kaasoo soo  furtay safaradii. 
 
Jawaab: Ilaaladii soo qabatay safarkii Safwaan ibnu Umaya waxa hoggaaminayay: Zayd ibnul-Xaarith.


54)   Waxaad sheegtaan Aayada  Quraanka kujirta uu kuduceeystay NABI MUUSE CSW      Markuu Kacararay Fircoon  ??.
 
 Jawaab: Aayaddu waa (Qaala Rabbi najinii minla-Qoowmid-Dhaalimiin). (Al-Qasas:20  iyo 21.


55)   Waxaad sheegtaan  Sababu nuzuulka  (Afara eeyta  ladii  Tawalaa) Al-najmi 32   Ninka ay kusoo dagtay     ??. 
 
Jawaab: Waxay kusoo degtay Al-Waliid ibnul-Mughiira.

 

56)  Waxaad sheegtaan  Digaalkii Uxud  Saxaabigii  uhorbilaabay Mubaarazada?

 Jawaab1: Zubayr ibnul-Cawwaam (Xawaarigii Rasuulka (SCW)
 
ahaana ina Safiya bintu Cabdil-Mudhalib Suubbanaha eeddadiis.
 
57)  Waxaad sheegtaan Afarta  Khulafaa u raashidiin? 
 
JAwaab: 1- Cabdullaahi (Abuubakr) ibnu Abii-Quxaafa (Cabdullaahi). 2- Cumar (Abuu-Xafs) ibnul-Khadhaab. 3- Cusmaan (Dul-Nuurayn) ibnu Caffaan 4- Cali (Abul-Xasan ama Abuu Turaab) ibnu Abii-Dhaalib.
 
 
58)  Waxaad sheegtaan  Kaanataa oo Alifka kutaagan  Imsaa kujirta qur-aanka ?    !!! xasuuso su-aashii hore waxaay aheed Qaalataa!!!.
 
JAwaab: -Kaanataa ratqan fafataqnaahumaa Al-Naba  aayada 30
                2- kaanataa taxta cabdeeyni. Suurada taxriim  aayada 10 
 
 
59)   Waxaad sheegtaan Xarfaha iskuxiran oo ugubadan Qur-aanka?    Tusaale>>    (Lacalakum)waa 5 xaraf.        (Xamii)waa 2 xaraf.
 
Jawaab:    Waxaa  ugubadan 10 xaraf iskuxiran   ( Layastakhlifanahum)  suurada Nuur Aayada  55 
 
 
60)  Waxaa sheegtaan  Saxaabiga kaligii lagusheegay Quraanka magaciisa ?? iyo Qofka aanan dhalin oo loogu magacdari jiray???.
 

JAwaab: Zayd ibnul-Xaarith. Waxana lagu magacaabi jiray Zayd ibnu Muxammad (SCW).

 

NB: Waanu kusii dareenaa inashaa Allaah

Qore:  Abdimalik Osman Adan

Newslatter
Ku Biir Newslatter-ka!